Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo maanta u ambabaxay New York, kana qeyb galaya shirka sanadlaha QM

September 26 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qeyb galaya shirka guud ee sanadlaha Qaramada Midoobey.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Wasiiro, taliyeyaasha ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo Horumarrada Dowladda ay gaartay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo laga dhinac furi doono shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana shirkan guddoomin doona Madaxweyne Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan New York waxay Mas’uuliyiinta Mareykanka iyo madaxda caalamka ka socda.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in la soo afjaray sii jiritaanka mooshinkii ka dhanka ahaa, iyadoo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay ka soo hor-jeesteen.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply