Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo la sheegay in xubno ka mid ah ajaaniibta ka bar bar dagaalanta ay ku xireen Jamaame

October 1 (Ceegaag)— Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay ku xireen degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose shan ka tirsan ajaaniibta ka bar bar dagaalanta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in howl gal ay sameeyeen Ciidamada Amniyaatka loo dhaqaano ay raggaas ka qabteen guri ay degenaayeen.
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen amar diido, iyadoo illaa iyo hada aanay cadeyn sababta loo xiray, waxaana loo gudbiyay raggan dhanka degmada Jilib.
Hase ahaatee waxaa todobaadyadii u dambeeyay soo baxay in Xarakada ay ku kala aragti duwan tahay in lagu biiro ururka Daacisha ama in Al-Qaacida laga sii mid ahaado.
Mid ka mid ah xubnaha Ajaaniibta ayaa dhowaan khudbad uu ka jeediyay masaajid ku yaalla degmada Jilib ku sheegay in Al-Shabaab ka gudubto halka ay taagan tahay, ayna la midowdo Daacish.
Al-Shabaab ayaa amar ka soo saartay khudbadaha laga jeediyo Masaajidada, waxaana ay sheegtay in aan loo adkeysan karin cidii fidisa khilaaf iyo in laga leexdo hogaanka.
Waxaa la sheegay in aan khudbado laga jeedin karin masaajidada, iyadoo aan ogolaanso laga heysan waaxda warbaahinta Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sanado ka hor waxaa dhexdooda soo kala dhex galay khilaaf, kaasoo aakhirkii keenay in xubno iyaga ka mid ah oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali la dilo
Sanadkii 2012 ayay aheyd markii Al-Shabaab ay ku biirtay Ururka Al-Qaacida, waxaana xilligan soo xoogeysatay Kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka ama ISIS ay tahay urur ku fidaya Adduunka intiisa kale.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply