Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 3 (Ceegaag)— Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.
Hey’addan ayaa sheegay in illaa shan ruux oo loo heysto arrimo musuq maasuq lagu xiray meelo kala duwan oo London ku yaalla, waxaana lagu heystaa laaluush iyo dambiyo la xiriira lacago la la’yahay.
Shanta ruux ee la xiray waxaa ka mid ah Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria haweeneyda lagu magacaabo Alison-Madueke.
Alison-Madueke ayaa muddo shan sano aheyd Wasiirkii Batroolka Nigeria, xilligii uu Madaxweyne ahaa Goodluck Jonathan, waxaana la sheegaa in musuq maasuq badan uu ragaadiyay Hey’adda ugu sareysa Batroolka Nigeria.
Nigeria ayaa dhaqaalaha ugu badan ka soo gala dhoofinta batroolka, waxaana dhowaan Madaxweynaha Nigeria Mohammadu Buhari uu sheegay inuu maamuli doono Wasaaradda Batroolka, kadib markii uu cid ku aamini waayay howsha wasaaradaas, isla markaana ay soo korortay musuq maasuqa ka jira.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina