Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa Hortaagan Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe (Warbixin Gaar ah)

(Maqaal) ceegaag- Burburkii Dowladdii dhexe kadib Somaliya waxa ay soo martay marxalado kaladuwan kuwaasi oo saameyntooda lahaa,waxa ayna dalka u horseedeen in ay dhacaan dagaalo sokeeye oo dadbadani ku dhintaaan kumanaan Shacab soomaaliyeedna ay u qaxaan daafaha aduunka,kuwii dalka ku harayna ay soo wajahday Barakac,Macluul,Maamul la’aan,Fowdo,Boob hanti,dhacwadareed waxaana saaxadda ka baxay u hogaansanaanta sharciga iyo kala danbeynta.
Dalka waxa uu wajahay in ay kala qeybqeysadaan Hogaamiye kooxeedyo ka faa’iideystay Dowlad la’aanta mid walbana Degmo iyo Gobolo ayuu xoog ku maamulay wixii dhacayna qof walba wey taabatay.
Somaliya waxaa loo qabtay Shirar dib u hishiiseeneed oo ka dhacay Wadadmada Carabta iyo Dalalka deriska la ah Somaliya,waxaana dalka loo dhisay Dowladdo KMG,iyadoo la soo jeediyey in dalka laga hirgaliyo Nidaamka Federaalka labo Gobol iyo ka badan wixii is raaci kara la isku daro oo loo dhiso Dowladdo Xubno ka noqonaya Dowladda Federaalka.
Illaa iyo Hadda waxaa jira Maamul Goboleedyada kala ah Puntland oo Baarlamaanka Somaliya aqoonsanyahay,Jubbaland,Koonfur Galbeed Somaliya iyo Galmudug,waxaana haray dhisidda Maamulada loo sameenayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo Gobolka Banaadir Maqaamka uu yeelanayo.
Shir ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Dowladda Federaalka Somaliya Sideedeed Bishii August 2015 waxa laga sheegay in la isku darayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo Goobjoog ka ahaayeen Shirkaasi Wasiiro ka tirsan Dowladda,Gudoomiyaasha Lababada Gobol iyo Beesha Caalamka oo marqaati ka aheyd isku darka labada Gobol,shirkaasina waxaa lagu shaaciyey in lagu dhisayo Guddiga farsamada 14 Maalmood Gudahood shirkana furmayo Kowda Bishii September illaa iyo hadda wax ka hirgalay malahan waxaana ka soo wareegtay 56 Maalmood.
Habada Maxaa Hortaagan Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe?

Dadbadan oo Odorasa Siyaasadda Somaliya waxa ay aaminsanyihiin in Dowladda Federaalka ay ka qaabineyso Dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxa ayna ku sababeeyeen Lex arimood midkood.
1. Madaxweynaha oo laga keenay Mooshin Culus kaasoo horseeday in Xubnihii ka shaqeyn lahaa dhisidda Maamulka labada Gobolka ay xooga saareen sidii loo kala furfuri lahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
2. Dowladda oo raadineysa qofkii Madaxweyne ka noqon lahaa Maamul Goboleedka labada Gobol loo dhisayo.
3. Dowladda oo Raadineysa Hab cusub oo lagu maareenayo Dhaqaalaha ku baxaya Shirka iyo dhismaha Maamulka.
4. Dowladda oo u aragto in dib loo dhigo dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe si ay marmarsiyo ugu dhigato in waqti ku darsato si ay u tiraahdo waxaan dhameystireynaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka.
5. Culeyska ka jira Beelaha Dega Labada Gobol oo mid walbo Dowladda horgeeyey Shuruuddo adag.
6. Siyaasiyiinta labada Gobol oo hortaangan dhismaha labada Gobol kadib markii ay saluugeen habka lagu qeybsanayo Guddiga Farsamada iyo Ergada Mooshinka Madaxweynaha laga keenayna dhinac ka ah.
Arimahaas oo jira waxaa la is weydiinayaa Dowladda Federaalka in ay dhisto Maamulka Galmudug waxa ay ku bixisay Waqti iyo Lacago badan,waxaa Heegan u ahaa Wasiirada Qorsheynta iyo Arimaha Gudaha oo safaro badan ku tagay Cadaado iyo Dhuusamareeb Habeen iyo maalinna u taagnaa sidii loo dhameystiri lahaa Galmudug,Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha safaro kala duwan ayee ku tageen,weli ma dhicin in Dowladda qeybaheedaa kala duwan in ay tagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe……. waxaa la is weydiinayaa Majiri kartaa kala jecleysi Dhisidda Dowladdaha Xubnaha ka noqonayo Dowladda Dhexe?
Haddii ay Dowladda ka go’antahay Hirgalinta iyo dhameystirka Nidaamka Federaalka Sanad iska daayee Billo ayee ku qaadan laheyd laakiin Culeyska jira illaa iyo hadda ma soo shaacbixin,waxaana Muuqata in Dowladda ay hortaagantahay in la dhiso Dowlad Xubin ka ah Dowladda dhexe oo ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waa maxaay Saameynta Siyaasiyiinta Labada Gobol?
Shaki kuma Jira in Magaalada Muqdisho,Baladweyne iyo Jowhar ay ka socdaan shirar isdaba joog ah oo mid walbo dano iyo Ujeedooyin xinbaarsan kuwaasoo biyo dhacooda yahay aayo katalinta iyo hogaaminta labada Gobol si taasi ay u gaaraan siyaasiyiinta qaar waxa ay Dowladda ku fureen Siyaasad adag iyaga oo wejiyo kale isticmaalayo laakiin Muhiimaddu ay tahay Gorgortan dhanka awoodda waana Caqabad muuqata oo saameynteeda leh laakiin ma jiro fikir intaasi dhaafsiisan oo loogu daneenayo aayaha iyo Mustaqbalka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Saameyta ay leeyihiin Siyaasiyiinta labada Gobol waa in ay kiciyaan shacabka iyo Ganacsada Dowladdana Caqabad ayee ku noqon kartaa,Maamul sameyntana saameyn ayee ku yeelankaraan maxaa yeelay waxa ay bilaabi karaan abaabul hoose oo keeni kara in la diido Maamulka ama kooxo ka soo horjeedo la sameeyo sida heysata Maamulka Galmudug.
Kaalinta Beesha Caalamka iyo Hirgalinta Nidaamka Federaalka.
Beesha Caalamka iyo Dwoladdaha Deriska la ah Somaliya faragalin weyn ayee ku hayaan arimaha Somaliya qofkasta oo waxgarad ah woo ogyahay,Beesha Caalamka Dowladda Federaalka Cadaadis wey ku saari kartaa in la dhiso Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, si dalka loo gaarsiiyo Doorasho oo sida la saadaalinayo ka imaandoonto Maamul Goboleedyada Dalka laga dhiso,dhinaca kalana waxaa dhici karta in Dowladda ay dhisto Maamul Goboleed aan sidaa u tabar badneyd si in dhaha Beesha Caalamkana isaga jeediso, maalmaha soo socdana ay magacaawdo Guddiga farsamada kuna dhawaaqdo halka shirka lagu qabanayo.
Diyaar Garowga Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyn.
Gudoomiyasha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe mid walbo waxa uu iskiis u sheegay in ay u diyaargaroobeen marti galinta shirka maamulka loogu dhisayo labada Gobol,waxaana ka go’an in shirka Magaalooyinka ay madaxda u yihiin in uu ka dhaco,aad ayeena u fiicantahay in Magaalo walbo ay Jeceshay Hormarka labada Gobol taasoo lagu taamayo haddii la hirgaliyo Dowlad xubin ka ahaan doonto Dowladda dhexe in Labada Gobol ay hor mari lahaayeen oo la arki lahaa Kalluunka Caddale looga qadeeyo Baladweyn,Qudaarta qeybaheeda kala duwan ee ka baxda Magaalada Baladweyne looga qadeeyo Caddale,Degmada Matabaan illaa magaalada Muqdisho Wadda laamiga isku xirta oo la dhiso,Beeraha Bariiska Jowhar iyo dalagyada kale ee ka soo go’a Beeraha in qof walbo oo labada Gobol ku nool gurigiisa loogu geeyo,Webiga shabeelle ee mara labada Gobol si fiican loogu faa’iideysto,Caafimaadka,Wabrashada iyo wax soo saarka ayaa hormari lahaa Sanaddo badan oo dib u dhac ah ayaa laga soo kaban lahaa,Waxaas oo dhan waa in Dowladda go’aan sax ka qaadato dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si loo gaaro Himilooyinka ifaya lagana faa’iideysta Kheyraadka labada Gobol.
Ugu Dambeyntii Dowladda Somaliya waxaa looga fadhiyaa in ay soo dadajiso dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kana fogaato wax walba oo keeni kara kala qeybinta shacabka labada Gobolka ayna tixgaliso Rabitaanka Bulshada u heelan Hormarka iyo Dowlad Wanaaga.
W/Q:- Cabdiraxman Maxamed Cali (Black)
E-mail:- onkod24@gmail.com
Muqdisho-Somaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply