Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nicholas Kay oo walaac ka muujiyay Xariga Wariyeyaasha Telefishinka Universal TV

October 5 (Ceegaag)— Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xariga Agaasimaha Bariga Afrika ee Telefishinka Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir.
Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Mr Kay ayuu sheegay inuu ka xun yahay xariga Wariyeyaasha.
“Waan ka walaacsanahay xariga Wariyeyaasha Telefishinka Universal TV, Soomaaliya waxay u baahan tahay saxaafad xor ah marka la gaaro sanadka 2016?ayuu ku yiri qoraalkiisa Danjire Kay.
Wariyeyaasha Universal TV ayaa maalintii saddexaad xiran, kadib markii ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gelinkii dambe ee jimcihii ay xireen.
Sidoo kale waxaa xiran Xafiiskii Telefishinka Universal TV oo ciidamada ammaanka habeenkii sabtida ay ku amreen in la xiro.
Waxaa soo baxayay baaqyo loo jeedinayo dowladda Federaalka oo ku aadan inay sii deyso wariyeyaasha, waxaana xariga Wariyeyaashan siyaabo kala duwan uga hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Warfaafinta.
Wasiiru dowlaha Warfaafinta ayaa goor sii horeysay sheegay in Wariyeyaashan ay galeen dambi qaran, isla markaana Maxkamad la soo taagayo, halka Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo shalay Muqdisho dib ugu soo laabtay uu isna cadeeyay inay heli doonaan wariyeyaashaas xuquuqdooda dastuuriga ah.
Si kastaba ha haaatee dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafada, waxaana mar walba ashtako laga keenaa qaabka Ciidamada ammaanka ula macaamilaan suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa banaan.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply