Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Webiga Shabeelle oo laga cabsi-qabo inuu ku fataho Degmada Jowhar ee Shabeellada Dhexe

Oktoobar 05, 2015 (Ceegaag) — Waxaa soo baxaya cabsi weyn oo laga qabo in webiga shabeelle uu ku fataho degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo ay ka socdaan dadaallo looga hortagayo fatahaad uu webigu ku sameeyo degmadaas.
Dadweynaha degmada oo garabsanaya maamulka gobalka ayaa Jowhar iyo deegaanada ku dhaw waxay ka biilaabeen inay dhigaan difacyo carro-tuur ah, webigu aanu ugu soo fatahin magaalada.
Wararka laga helay degmada Jowhar ayaa sheegaya in dagmada dadaallo badan oo looga hortagayo fatahaad uu sameeyo webiga shabeelle, iyadoo horay uu ugu fatahay webigu Jowhar iyo deegaanno kale oo fara badan.
Sidoo kale, inta badan webiga Shabeelle oo ka mid ah labada webi ee Somalia mara ayaa wuxuu xilliyada ay biyihiisu bartaan ku fatahaa deegaannada uu maro, isagoo horay ugu fatahay deegaanno dhowr ah.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply