Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 8 (Ceegaag)—Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u diiday muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya kaas oo ay hore August 28keedii 2014 Soomaaliya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ugu gudbisay dacwad Kenya ka dhan ah.
Xeer illaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay horgeysay maxkamada caddaalada ay tahay mid sharci darro ah taas oo Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku qaadato dhulbadeedka iyadoo aan mareyn nidaam sax ah.
Xeer illaaliyaha Kenya wuxuu sheegay inuu jiray heshiis labada dal horey u dhexmaray kaas oo dhigayey in arrinta qilaafka dhul badeedka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn.
Wuxuu sheegay in haddii murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Soomaaliya ay si cad u jabisay heshiiskii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer illaaliya Kenya wuxuu sheegay iney wanaagsan tahay in labada dal ay iyagu ka wada hadlaan muranka ka dhaxeeya oo aysan gaarin heer maxkamad iyadoo loo marayo ayuu yiri sharciga caalamiga ah.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in arrinta muranka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamada iyadoo intaas ku dartay iney ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shaabaab, waxayna sheegtay in la gaaray xilligii soomaaliya ay iska dhaafi lahayd muranka ka dhaxeeya labadal iney u marto qaab maxkamadeed.
Kenya waxay ku eedeysay Soomaaliya inay dhinac aan wanaagsaneyn ka eegtay arrinta ku aadan muranka dhulbadeedka islamarkaana ay soomaaliya hilmaantay abaalkii Kenya u gashay Soomaaliya.
Somaliya iyo Kenya waxaa ka dhex jiray muran mudo dheer socday oo dhinaca badda ku saabsan iyadoo meelaha lagu muransan yahay ay ka buuxaan qeyraad isugu jira shidaal iyo Gaas.
Kenya waxay sheegtay in loo baahanyahay in Soomaaliya ay ka fikirto islamarkaana maxkamadda adduunku ay ka fikirto in Kenya ay Soomaaliya u dirtay askarteeda si ay gacan uga siiyaan dowlada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Dowlada Kenya waxay sheegtay iney dhibane u noqdeen kooxo argagixiso ah oo weeraro ka geysta Kenya sababtaas oo Kenya ku sheegtay ciidamada ay u dirtay Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxay sheegeen in ay doonayaan maxkamadda inay ku qasabto Labada dal in xal ay ka gaaraan murankooda iyadoo aan maxkamad Lahore geyn kiiskooda.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federalka iyo Maxkamada Caalamiga ah ee ku saabsan warkan ka soo yeeray dowlada Kenya.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina