Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faahfaahin ku saabsan diyaarad xalay ku soo dhacday deegaanka Carbiska

October 13 (Ceegaag)—Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan diyaarad u suurtogeli weyday inay ku soo degto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina ku dhacday deegaanka Carbiska ee gobolka Sh/hoose.
Diyaaradan ayaan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin dowlada waxaa lagu wadaa in goor dhow ay dowlada ka hadasho hase yeeshee waxaa diyaarada oo baalasheeda ay burbureen ilaalinaya ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada.
Shaqaalaha diyaarada oo kaliya oo saarnaa diyaaradan ayaa la rumeysan yahay in ay u kireysnayd ciidamada AMISOM.
Mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray hase yeeshee waxaa wararku shegayaan in inta kale ay bad qabaan.
Shaqaalaha saarnaa diyaarada oo dhammaantood Masaari ah ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay
Taariq Bayonmay,Saalax Cabdi Saadaq,Maxamed Subxi,Axmed Baradaj,Calaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.
Waxaa goordhow lagu wadaa in laga dajiyo xamuulka saaran diyaarada oo aan la ogeyn waxa uu yahay.
Waa markii ugu horeysay ee diyaarad awoodi weysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku dhacdo duleedka magaalada Muqdisho inta la ogyahay.
Garoonka aadan c/le cusmaan ayaa shaqadiisa waxay bilaabataa 6-00 subaxnimo waxayna ku egtahay 6-00 maqrinimo iyadoo habeenkii aysan wax diyaarad kudagi Karin waxaana taasi lagu micneeyey iyadoo aysan weli hellin qalabkii habeenkii lagu shaqeynlahaa.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply