Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiye Muungaab oo Mar Kale is Hortaagay Amar uu Bixiyey Wasiirka Amniga

Maamulka gobolka banaadir ayaa mar kale is hortaagay amar uu mar Kale bixiyey wasiirka Amniga Qaranka Kaas oo ahaa In La xiro wadadda u dhaxeysay K4 iyo Hotelka jaziira Ee Magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Amniga qaranka ayaa Saaka keenay ciidan bartamaha jidka Iyo birooyinkii lagu xiri lahaa iyadoo durbadii ay gaareen Maamulka Gobolka banaadir kadibna meesha laga qaaday birihii iyo waxyaabihii kale oo la rabay in lagu xiro laamiga sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka BanaadirC/fataax Cumar Xalane.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray in aysan waddo Xamar ku taal xirnaan doonin iska daa in kuwa kale La xiree. “Waa waajib Dowlada Hoose saaran in wadooyinka xiran la furo awooda in waddo la xiro ama lafurana waxaa iska Leh duqa magaaladda Magaaladda Muqdisho”. ayuu yiri Muungaab
“Waxaan hey’addaha amaanka Gobolka amrayaa In ay ka hortagaan Jidgooyadana uu ku dhaqaaqay wasiirka amniga oo caadeystay in uu galo shaqo uusan asagu laheyn dowladda dhexana waxaan leeyahay hey’ad walba haloo daayo shaqada ay leedahay waayo In aan annagana canshuurta guryaha bixiya shacabka dhahno aan ku dhisno jidka wadnahee iyo In wasiir heer federaal uu burburiyo laami ay walaalaha Turkigu Inoo dhiseen Labadaas arrin meel islama galayaan magaaladana ma Jirto cid Laga oggolaanyo in ay qas iyo fowdo dib ugu noqoto” ayuu yiri duqa caasimadu ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Khilaafka u dhexeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Amniga ayaa u muuqda inuu gaaray meel sare, lamana haayo illaa iyo hadda madaxda sare inay soo dhex galaan khilaafkan inta uusan gacanta ka bixin.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply