Wararkii ugu danbeeyay nabadaynta beelaha dega Qorilay iyo Magaclay ee deegaanka Xoore
Ceegaag. Oct 19,2015 Sool: Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Xoore oo ay taalay gogosha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku diriray halkaa ayaa waxaa la baahiyay qodonadan soo socda
1: Laba Guddi oo ka kooban 21-qof oo laba dhinaca ah oo noqda wakiilada labada beelood u doodaya.
2: Hal gudi oo dhex dhexaadin ah oo ka kooban 33 qof , 11 qof waa Isimada beel waynta Daarood ah , iyo 22 xubnood oo oo kala ah beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante.
3: Guddi ka kooban 15 -of oo ay 5 ka mida ay yihiin Culimo waawayn, iyo 10 qof oo odoyaal waxgarad indheer garad ah oo u fadhiista geed hoostii, si ay u xalliyaan wixii la’isku afgaran waayo, isla markaana ay hoos imaan doonaan gudiga 15 ka qof gudiga dhex dhexadinta ah ee 33 ka kooban.
Waxaa xusid mudan iyo Dhaqaalaha ku baxaya shirkan iyo amaankiisaba ay balanqaaday maamulka Jubaland.
Ceegaag.com
Figradihiina