Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Sudan oo La Kulmay Wiilkii Yaraa ee Sameeyay Saacada Ee Lagu Xiray Mareykanka

October 19 (Ceegaag)—Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad.
Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, markii laga shakiyey Saacad uu farsameeyey, oo loo qaatay inuu Bam ahaa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray in Kulanka Madaxweyne Albashiir iyo Ardaygaas ay goobjoog ka ahaayeen Hooyadiisa iyo Aabihiisa, Mohamed Alhassan Mohamed, kaasi oo labo jeer Xilka Madaxtinimadda kula tartamay Madaxwyne Albashiir.
Labada Hoggaamiye oo horey u ahaa Mucaarad ayaa waxay si farxad leh isugu qaabileen muddadii ay joogeen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.
Aabe Mohamed Alhssan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Albashiir si xushmad leh u qaabilo Wiilkiisa Ahmed.
Si kastaba ha ahaatee, Familka Wiilkaasi ayaa sheegay inay ka fekerayaan Dugsiga uu ku biiri doono Wiilkooda marka uu nasto, isla markaana ay soo gebagebeeyaan safarkooda.
Waxaa kale oo uu axmed maxamed ka qeybgalayaa casha caawa uu usameyn doono madaxweynaha mareykanka saynisyahano iyo qubaro uu kujiro axmed maxamed 14 jirkan udhashay dalka suudaan ee haysta dhalashada mareykanka ayaa laga rajo qabaa inuu calamka ku soo kordhiyo wax weyn guul ayaan urajeyneynaa insha alaah.

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply