Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JAWAARI: Wax saxiixayaal la yiraahdo ma jiri doonaan talooyinka shirkana waan Aqbalaynaa

Oktoobar 20, 2015 (Ceegaag) — Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo furitaankii shirka wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee 2016-ka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaanay jiri doonin wax saxiixayaal la yiraahdo, isagana uusan diyaar u ahayn inuu saxiixe noqdo.
Jawaari ayaa xubnihii shirka kasoo qaybgalay ku boorriyay inay si wanaagsan uga fikiraan qodobada ay kasoo saarayaan shirkan, isagoo ballan-qaaday inuu baarlamaanka federaalka Soomaaliya fulin doono qodobada shirkan kasoo baxa.
Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in waxyaabaha ugu weyn ee hadda shirka laga rabo inay kasoo baxaan ay tahay inay sida loo wajahayo inay dalka ka dhacdo doorasho la isku raacsan tahay sannadka 2016-ka. Wuxuuna raaciyay in qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ay kala yihiin; dhameystirka dastuurka KMG ah ee dalka, dimuqraadiyeynta dalka iyo weliba federaalka.
“Waxaynu maanta leennahay dastuur, anigu diyaar uma ihi inaan saxiixe noqdo, sidoo kale madaxweynahana ma noqonayo saxiixe, waayo baarlamaan ayaa jira, mana jirayaan wax saxiixayaal la yiraahdo. Baarlamaanku wuxuu diyaar u yahay go’aan kasta oo ka soo baxa shirkan inaan aqbalno, haddii uusan dastuurka waafaqsneyn xitaa waa la waafajin doonaa, balse waa in arrimaha aad soo xuleysaan ay noqdaan kuwo aad dhinacyo badan ka fiirisaan,” ayuu yiri Jawaari.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Baarlamaanka federaalka Somalia gacan buuxda iyo wadatashi joogta ah ayuu la yeelan doonaa baarlamaannada maamul-gobaleedyada jira iyo kuwa dhismi doona, waxaana diyaar u nahay in aan fulinno wixii kasoo baxa shirka.”
Jawaari ayaa sidoo kale yiri. “Waxaannu galnay marxalad xasaasi ah, inaan ka gudubnana waxay u baahan tahay midnimo iyo codkeenu yahay mid noqdo, go’aanka aan gaaraynana uu noqdo mid maskaxdeenna ka yimid.”
Ugu dambeyn, shirka ka furmay Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagaboobo iyadoona lagu wadao inay ka soo baxaan qodobo.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply