Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo Baaq Nabadeed u dirtay Beelihii ku dagaalamay Baladweyne.

October 21(Ceegaag)– Muna Xasan Maxamed Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa ka hadashay dagaalka dhiiga badani ku daadatay ee ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraa,Dagaalkaas oo dhex maray Beelo walaalo ah oo in dhiig ay iska daadiyaan ay tahay wax laga xumaado.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku dagaalamay Baladweyne inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka aan macnaha ku fadhin isla markaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku xalistaan khilaafaadkooda, sida looga bartay Dadka daga Gobolka.
‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo, waxaana rabaa inaan ku booriyo culuma’udiinka,madax dhaqameedka, Ugaasyada,Wabarada, Haweenka,Siyaasiyiinta,Dhalinyarada,Ganacsatada iyo waxgaradka reer Hiiraan inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen daminta colaadaasi,una istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka,Waxaan u sheegayaa inaan dagaalku xal aheyn , mana jiro qof colaada ku guulaysanaya , waana kuu dhimay kaa dhimay , walaalkaa weeye waxa aad dilayso , kii kuu hiilin lahaa weeye kan aad maanta xabadda u haysato ‘’ ayee tiri Gudoomiye Muna.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa Tacsi tiiraanyo leh u dirday dhammaan Qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Dhacdadii foosha xumed ee ka dhacday magaalada Baladweyne,waxa ayna Illaah ugu baryeesaa in uu Janaddii Geeyo,Intii ku dhaawacantayna in Eebe u sahlo Caafimaadna siiyo.
Ugu dambeyn Muna Xasan Maxamed,waxaa ay ugu baaqeysaa beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya inay joojiyaan colaada, miiska wada hadalkana isugu yimaadaan si ay ugaaraan xal rasmi ah , oo looga gudbayo colaada taagan .
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply