Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 24 (ceegaag)—Mid kamid ah taliyaasha ciidamada Alshabaab ayaa sheegay in isaga iyo labaatan ka mid ah maleeshiyaadkiisa ay ku biireen ururka Dowlada Islaamiga ah IS.
Warkan ka soo yeeray qeybo ka mid ah ururka Alshabaab ayaan jirin jawaab ay ka bixiyeen madaxda sarsare ee Alshabaab oo sanadkii 2012dii sheegay in ay taageersan yihiin ayna isbahaysi la yihiin ururka Al Qaacida.
“Annagoo ah Mujaadiinta Soomaaliyeed waxaan cadeyneynaa in aan taabacsanahay Khaliifada Islaamka ee uu hogaamiyo the mujahideen Ibrahim ibn Awad ibn Ibrahim al-Awad al-Qurashi,”ayuu ku sheegay cajalad uu soo dhigay YouTube Cabdqadir Mumin oo ah taliyaha ururka Alshababa ee Puntland.
Ururka ka dhisan dalka Nigeria Boko Haram ayaa hore u sheegay inay ku biireen Khaliffada Islaamka ee IS.
Sida ay daabacday Reuters Mumin ayaa xaqiijiyay in soo duubista cajalada muuqaalka ee uu ku shaacinayo inuu ku biiray IS ay tahay mid sax ah.
“Hogaamiyaha sare ee Cabdqadir Mumin iyo labaatan dagaalyahan ayaa ku biirey ISIS,” ayaa mid kamid ah taageerayaasha Mumin u sheegay wakaalada wararka e Reuters.
Mumin ayaa waxaa uu saldhigyo ku leeyahay buuraha Galgala ee gobolka Puntland waxana uu ka tegey buuraha Galgala isaga iyo taageerayashiisa sida uu sheegay mid kamid ah taageerayaashiisa oo diiday in la shaaciyo magaciisa iyo halka uu joogaba.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dagaalayahanadii kale ee ku sugnaa Galgala ay ku gacan seyreen Mumin welina ay ku sugan yihiin buuraha Galgala.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina