Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Maamulka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maamulka Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maamulka Somaliland(Hore Duulista)
2. In Mudane, CaliXasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Maamulka Somaliland (Hore Xildhibaan)
3. In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
4. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Maamulka Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)
5. In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta).
6. In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Maamulka Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
7. In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Note: Warsaxaafadeedka waanu ka tafatirnay erayga Jamhuuriyada oo waxaanu ku badalnay Maamulka taasoo ah sida ay xaalada deegaanadaasi yihiin manta. (Waxaanu u soo tabinanaa wararka sida ay xaqiiqada ku yihiin)
Figradihiina