Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
U adeegaha labada labada masjid ee barakaysan ahana Baqarka sucuudi carabiya Salmaan Bincabdulcasiis Alasucuud ayaa sidii loosoo dhaween jiray madaxwaynaha Soomaaliya waayo waayo u soo dhaweeyay tasoo daliil u ah Soo naoqoshada dawladnimadii Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Sacuudiga loogu sameeyay soo dhoweyn aan horay loo arag muddo ka badan 20-sano, waxaana isagoo dhinaciisa uu socdo Boqor Salmaan Bin Abdiaziz wadajir salaan sharaf uga qaateen ciidamada bambeyda dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka mid tahay dowladaha deymaha ugu badan ku leh dalkiisa, isagoona sheegay in boqortooyada Sacuudiga ay had iyo garab taagan tahay dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo soo dhoweyn aad u sareysa loogu sameeyey Riyadh, iyo Boqorka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale oo la xiriira taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay ee dhinaca dib u dhiska.
Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobada ay ka wada hadleen.
Madaxweynaha waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.
Ceegaag.com
Figradihiina