Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabad aad u weyn oo ay ka soo qeyb galeen inta badan madaxda ugu sareysa dalka, diblomaasiyiinta Soomaaliya iyo Turkiga, saraakiisha labada dal iyo xubno lagu martiqaaday ka qeyb galka munaasabadda loogu dabaal degayo xornimada dalka Turkiga ayaa ka dhacday xarunta Safaaradda uu ku leeyahay dalka Soomaaliya.
Dabaaldegga oo lagu xusayo sanadguuradii 92-aad ee ka soo wareegatay markii uu Turkiga ka xoroobay dowladihii gumeysanayay, madaxda Dowladda Soomaaliya ee ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Ra’iisal Wasaaraha Cumar C/rashiid, K/Xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano fara badan.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgen Bakar oo khudbad u jeedinayay ka qeyb galayaasha munaasabaddaasi ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo dhammaanba ka qeyb galayaasha sanadguurada 92-aad ee xornimada dalkiisa.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay K/Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu hambalyo u dirayo dowladda iyo shacabka Turkiga oo uu sheegay inay yihiin laba dal oo walaalo ah.
Dhinaca kale Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa shalay si weyn ammaankeeda waxaa isaga kaashaday ciidamada Dowladda iyo cutubyo ka tirsan milateriga Turkiga, kuwaasi oo lagu arkayay iyagoo gaaf wareegaya hareeraha iyo gudaha xarunta safaaradda.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina