Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafadda

November 2 (Ceegaag)— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafada, kaasoo ay horay ugu soo gudbisay Golaha Wasiirada, markii ay soo meel mariyeen.
Hindise sharciyeedka Saxaafadda ayaa waxaa ka hor akhrin doona Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo horay ugu baaqay Baarlamaanka inuu si deg deg u meel mariyo sharcigan.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta oo isniin ah, taariikhduna tahay 2-November ajandaha shirka Baarlamaanka uu yahay akhrinta labaad ee hindise sharciyeed.
Waxaa uu sheegay in marka la soo gaba gabeeyo akhrinta hindise sharciyeedka Saxaafadda loo guda geli doona in laga doodo sharcigan, isla markaana marka dooda la soo gaba gabeeyo cod loo qaado.
Sharciga Saxaafada ayaa marxalado kala duwan soo maray, iyadoo intii ay isaga kala dambeeyeen Xukuumadihii KMG ee dalka soo maray iyo labadii xukuumadood ee u dambeysay waxaa marba wax laga bedelay qodobada sharciga saxaafada oo horay Warbaahinta madaxa banaan uga keeneen qeyla-dhaanta.
Sharcigan ayaa la doonayaa inuu kala hago warbaahinta iyo dowladda, iyadoo hey’adaha ammaanka ay wariyeyaal iyo xarumo warbaahineed u xireen, iyadoo aan amar Maxkamadeed ka soo bixin.
Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ugu qatarsan ee ay ka howl galaan Suxufiyiinta, waxay wajahaan, hanjabaado, dilal iyo caburin, waxaana shantii sano ee la soo dhaafay Koofurta Soomaaliya lagu dilay in ka badan 50-wariye oo badankood la dilay iyagoo howlahooda shaqo ku guda jiray.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply