Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Axmed Fiqi “Istiraatiijiyadii ciidanka iyo amniga, hey’ad ma noqon ee waxay noqdeen wax ilaaliya kooxda xukunka joogta”
November 4 (Ceegaag)— Agaasimihii hore ee Nabadsugida Qaranka Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaliil weyn u jeediyay hey’adaha ammaanka dowladda, isagoo sheegay in Ciidamada ay lumiyeen bartilmaameedkii looga baahnaa inay wajahaan.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu kaga hadlay weerarada Al-Shabaab ay muddooyinkii u dambeysay ka geysaneysay magaalada Muqdisho iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.
Amb. Axmed Macalin Fiqi oo hada ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir ayaa sheegay in Al-Shabaab ay 10-kii sano ee u dambeysay ay ahaayeen caqabada hor-taagan nabadgalyada Soomaaliya, isla markaana ay sanadkan wax ka bedeleen istiraatiijiyadooda.
“Al-Shabaab waxay ahaayeen mudadii 10-sano ee u dambeysay caqabada Soomaaliya nabadgalyadeeda hortaagan, marxalado badan ayay soo mareen, marxalado ay aas-aasmayeen, marxalado ay qaab dhismeedkooda dhisayeen, marxalad ay faafayeen oo ay kobcayeen iyo marxalad ay dib u gurasho ay galeen wixii ka dambeeyay anadkii 2011, laakiin sanadkan cusub waxaa moodaa istiraatiijiyad cusub iyo qaab cusub inay la soo baxeen howl galadooda wax badan ka bedeleen iyo meelaha ay beegsanayaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Mar la weydiiyay sababta ka dambeysa in howl galadii Al-Shabaab wax ka bedeleen, qaabab cusub la soo baxaan ayuu sheegay inay tahay hogaankooda oo horay ku kala mashquulsanaa magaalooyinka inta aan laga saarin ay hada fursad u heleen inay isugu tagana duurka iyo tuulooyinka oo fikradooda iyo maskaxdooda isku darsadaan, isla markaana ka baaraan-dagaan meelaha ay weerarayaan.
“Mida koowaad waxaa ku macneynayaa, iyagoo magaalooyinka waa weyn ee ay ku kala sugnaayeen hogaankooda kala joogeen oo ay ku kala mashquulsanaayeen maskaxdooda iyo hal abuurkooda kala firirsanaa ayaa intee soo baneeyeen oo laga soo qabsaday ayay isugu tageen tuulooyinka iyo duurka, taasi waxay keentay inay si aad ah u fikiraan, isku maskax darsadaan, meelaha ay tooganayaan iyo meelaha ay weerarayaan xoogooda iyo maskaxdooda mideeyeen, ciidamada tirada badnaa ee weerarka abaabulan qaadi jiray inay yareeyeen oo furimihii hore ka baxeen, taasi waxay keentay cududooda iyo maskaxdooda inay dib u heleen inay dib u maareeyaan, inay qaabeeyaa waana mida keentay ciidamada amisom meelihii halbowlaha ah sida hotelada iyo madaxtooyada iyo meelaha waa weynaa inay weeraraan”ayuu yiri Axmed Fiqi.
“Mida labaad xaga ciidamadeena amniga ayay la xiriirtaa, inkastoo ay dadaalayaan ciidanka, istiraatiijiyadii ciidanka iyo amniga, hey’ad ma noqon ee waxay noqdeen wax ilaaliya kooxda xukunka joogta, waxay lumiyeen halbeegooda, waxay mudnaantooda koowaad siinayaan inta badan dadka nidaamka dhaliila ayaa ayaga u ah cadawga koowaad, marka waxay lumiyeen meeshii rasmiga aheyd ee in la wajahao la rabay iyo isiraatiiyad guud”ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Amb. Fiqi.
Mar uu ka hadlay Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ayuu ku dhaliilay in hab maamulkeeda uu yahay mid aad u hooseeyaa, isagoo tusaale u soo qaatay markii Ra’iisul Wasaare loo magacaabay inuu mushaarkii Ciidamada go’ay, isla markaana ay dib u soo xusuusisay dalka xilliyadii 2009-2010 oo dadka ugu badan ee Xildhibaanada iyo dadka kale ee muhiimka ah la dilo ay aheyd, haatan ay sidii oo kale arkayaan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale mar wax laga weydiiyay habkii ay ula macaamili jireen xilligii uu ahaa Madaxa Sirdoonka ayuu xusay in shaqo maalinle la qaban jiray, xilliyadii Shabaabka laga saaray magaalada oo furmiha dagaalka fogaadeen ay madaxda had iyo jeer booqan jirtay ciidamada oo moraalkooda la dhisayay, isla markaana ciidanka mooraalkooda uu ku jiro marka madaxdooda ay la nool yihiin, lana shaqeynayaan, isagoo tusaale u soo qaatay abaanduulihii hore ee maalin ka hor lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi Jen. Dhegabadan inuu ciidamada ku dhex jiri jiray sida uu yiri.
“Muhiimadaha naga maqan waxa waaye wadanka waxaa uu u baahan yahay ciidan amni oo howshiisa xooga la saaro, tan hada jirta waxay tahay amniga wax muhiimad ah ma siinayaan, marka eegto Wasaaradda Gaashandhiga sadex bog ayay ku soo koobtay qorshaheeda, mida koowaad waa isku dhafka ciidamada, xafiiska wasaaradda iyo mida saddexaad oo ah yaan caruurta la askareyn, marka waxay u baahan tahay in amnigii si weyn looga shaqeeyo, kadib ayay waxbarashadii, howlihii kaluumeysigii iyo caafimaad ayaa imaanaya”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyn Mar la weydiiyay waxa ay Al-Shabaab uga dhigan tahay inay weerareen Hotelkada ayuu tilmaamay in qorshahooda yahay meesha ay la damcaan iyo goorta ay damcaan inay fulin karaan, waxaana uu tilmaamay inay taasi sii dhiira gelinayso qeybtooda abaabulka iyo qorsheynta, isagoo xusay in labada sano ee sanadkan ka dhiman ay sii qorsheynayaan weeraro kale iyo sanadka soo socda oo xaalad kala guur la geli doono, is qab qabsi uu dhaco inay ka faa’ideystaan oo ay sii wadaan bartilmaameedkooda, wuxuuna ka digay wixii hada ka dhacay in kuwo ka daran ay dalka ka dhacaan.
Ceegaag.com
Figradihiina