Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Iiraaniyiin Afduub loogu haystay degmada Cadaado oo ay awood kusoo furteen Ciidamada Galmudug –

November 05 (Ceegaag) — Howlgal xalay kaga sameeyeen degmada Cadaado ayay ciidamada amniga maamulka Galmudug waxay kusoo furteen afar qof oo dalka Iiraan u dhashay, kuwaasoo afduub ahaan loogu haystay degmadaas.
Wararka ayaa sheegaya inta afartaan ruux ay ka mid ahaa 10-qof oo afduub loogu haysto gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayna kooxo ka mid ah burcadda la soo qaadeen degmada Cadaado, kaddib markiii ay isku dhaceen kooxihii kale ee afduubayaasha ahaa.
Xubno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxay warbaahinta u sheegeen inay ka war-heleen in afartan ruux ee Iiraaniyiinta ah lagu haysto guri Cadaado ku yaalla, ayna ciidammo u direen, iyadoo lagu guuleystay in lasoo furto afartan qof iyadoo aanu wax dhiig ah daadan.
Dadka afduubka loo haysto ee Iiraan kasoo jeeda ayaa dhammaantood waxay ahaayeen kaluumeysato; kuwaasoo ay kooxaha burcadbadeedda ahi muddo ku hayeen gacanta, iyagoo ka doonayay madaxfurasho lacageed.
Waa markii ugu horreysa oo ciidamada maamulka Galmudug ay furtaan dad loo haystay afduub , iyadoo tallaabadan ay noqonayso mid ka dhan ah kooxaha ku haysta afduubka ajaanibta ay ka doonayaan lacagaha.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply