Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dr Ibraahim Maxamed mursal cali “Ibraahim Dheere” shaqsigii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ee shahaada PHD ku qaata saxaafada soomaaliyeed

nofembar-7(ceegaag)-Dr Ibraahim Maxamed mursal cali “Ibraahim Dheere” shaqsigii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ee shahaada PHD ku qaata saxaafada soomaaliyeed.

Dr Ibraahim Maxamed mursal “Ibraahim Dheere” ayaa maanta Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ka qaatay darajada sare ee PHD da. Iyadoo ay ahayd mowduuciisa uu ahaa “ dhibootooyinka soo wajaho shabakadaha Warbaahinta Ee Soomaaliya”.
Dr ka ayaa ku bilaabay fur furasho soo jiidatay macalimiinta wax ka waydiinaysay risaalada intaa Kadib wuxuu si toos u galay in uu ka hadlo cinwaanada uu wax ko qoray, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dhamaan dadkala duwan oo aneynayey mowduucan oo ahaa mid xilli loobaahnaa ku soo beegmay, iyadoo laga dareemayey midku fadhiyey xikmad aad uqoto dheer waqti badana lageliyey.
Ugu horeyn ayaa waxaa goobta ka hadlay Dr Muxudiin Axmed Idiris ah oo ah supervisor ka ama mushrifkiisa Risaalada Dr ibraahim isagoo halkaa ka cadeeyay in uu Dr ka qaatay soo diyaarinta risaaladan Darajada imtiyaaz “Excellence” ama Darajada ugu sareysa waliba waxay la yaabeen mushrifiinta qaabka wanaagsan ee u soo Qoray iyagoo ka codsaday in la daabaco oo la dhigo goobaha waxbarashada sida Makatabaddaha jaamacadaha iyo meelaha munaasibka ah IWM.
Risaaladan uu Dr-ibraahim maxamed mursal cali Qoray kuna guuleystay ayaa waxay soomaalidu ugu dhigantahay guul weyn oo usoo hoyatay ummada soomaaloiyeed gaar ahaan bahda saxaafada soomaaliyeed oo ay utahay mid si weyn ay ugu faa,iideysan doonaan.
Dr- ibraahim maxamed mursal cali waa khabiir dhanka saxaafada guula waaweyn ka soo hooyey isagoo bulshada soomaaliyeed ukeydiyey keyd aanan weligood ka dhamaaneynin waa macalin waxka dhiga kulliyada saxaafada iyo siyaasadda waana gudoomiye ku xigeenka arimaha maamulka .
Waxaan urajeyneynaa guul iyo horumar
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply