Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DARAASAD: HAWSHA GURIGA OO RAGGA WAXTARAYSA CAAFIMAAD AHAAN

November 8(Ceegaag)–Sida lagu caddeeyay cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Alberta ee Canada, in Ragga haweenkooda ku caawiya hawlaha guriga ay caafimaad iyo xiriir ahaanba uga wanagsanyihiin ragga aan la sahqeyn dumarka, waxaana ay si gaar ah u tilmaamtay nolosha gaarka ah ee lamaanaha.
Sida ay daabacday arbacadii tagtay Majallada Family Psychology, waxaa intii ay socotay baaristan lagu sameeyay Kun iyo 338 ruux, taas oo lagu xaqiijiyay in ragga xaasaskooda la qabta hawlaha aqalka ay ka macaamil, caafimaad iyo xiriir wanaagsanyihiin kuwa aan waxba qaban hawsha guriga sada nadaafadda iyo cuno diyaarinta.
Daraasaddan ayaa caddeysay xiriirka ka dhaxeeya hawsha guriga iyo caafimaadka qoyska, sidoo kale waxa lagu sheegay in galmo farxad iyo fayawqab leh ay ka imaanayso in la wadaago hawsha guriga, iyada oo dumarka lagu caawinayo in lala qabto nadiifinta dariishadaha aqalka, hawsha kushiinka, iyo shaqooyinka kaleee guriga saacadaha qaarkood.
Hogaamiyaha cilmi baaristan Mat Johnson ayaa ku taliyay:- ” Ninkii xiiseynaya inuu hagajiyo xiriirka lamaantiisa, wa inuu la wadaaga shaqada aqalka dhammaan, waa inuusan ka xishoon, muujininna wax dareen gaar ah oo feejignaan abuuraya” ayuu yiri Cilmi baarahan kanadiyaanka ah oo ka hadlayay daraasaddan.
Horay ayay warbixin tan lamid ah oo jarmalka lagu sameeyay ku talisay in ragga cayilan ay culeyskooda ku dhim karaan, ayaga oo nadaafadda iyo cunno karinta aqalka ka qeyb qaata, si ay hoos ugu dhacdo keydka energy-ga jirka.
Xigasho: Anadoul Agency
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply