Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo lagu soo dhoweeyay Turkiga

November 11 (Ceegaag)— Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka dhacday magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga,waxaana Munaasabadan soo qaban qaabiyay Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Amb. C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Guddoomiyaha Hey’adda Samadoon Foundation Prof. Warfaa, Shaqaalaha Safaaradda Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo marti sharaf ka socday Xisbiga talada Turkiga haya ee AKP.
Waxaa xaflada khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dalka Turkiga, waxaana ay ka soo jeediyeen Gabaro lagu bogaadinayay Madaxweyne Shariif iyo wixii uu dalka ka soo qabtay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu dalka soo hoggaamiyay xilli adag, isla markaana uu gaarsiiyay meel lagu fani karo, waxaana uu xusay in guul la taaban karo ay tahay in ardaydii ay dowladdii uu Madaxda ka ahaa ay u soo dirtay Turkiga ay qeybo badan ay qalin jebiyeen, qeyb ka mid ahna ay sanadaha soo socda qalin jebinayaan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanayesay ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Ardaydii uu waxbarashada u soo diray oo guuleysatay intooda bada wax barashada u dhamaatay, inta dhimanna uu guul u rajeynaayo, isagoo kula dardaarmay in ay wadankooda ku laabtaan marki ay waxbarashada u dhamaato
“Haddi ay waxbarashada i diin dhamaato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadankiina ku laabataan oo aad umadiina u qidmeysaan, dalka waa uu idin baahan yahay, waxaan maqlay warar sheegaya in qaar idin ka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaadada qaataan ay horey u sii socdaan, horay inaad aadaan micno ma soo kor dhineyso waxaad dhex geleysaan umadd 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigayeen, waxaa ku dhex dhumeysaan, xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan doontaan, laakiin wadankiina iyo dadkiina waa idin baahan yihiin wax badan waa ka bedeli kartaan hadaad is kaashataan”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Shariif ayaa ku bararujiyay Ardayda in aysan caawinaad cidna ka sugin ee ay is caawiyaaan ayna ka qeyb qaataan Hay’adda Samadoon Foundation oo ay noqdaan dadka hormuudka ka ah is caawinaada iyo is garab qabashada.
Qaar ka mid ah Ardayda ayaa su’aalo weydiiyeen, waxaa su’aalihii la weydiiyay ka mid ahaa in siyaasada iyo hogaanka dalka inuu dib ugu soo laabanayo, waxaana uu ku jawaabay , isagoo dhoola cadeynaya “Ragga iga dambeeya haddi ay iga fiicnaadaan waa iska joogaa, laakiin haddii ay amaani ka soo yeeri-weyso waan soo socdaa”ayuu si kaftan ku jiro u yiri.
Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay shahaada sharaf, taasoo looga mahad celinayay doorka uu ku lahaa waxbarashada ay ardayda Soomaaliyeed ka heleen dalka Turkiga iyo xiriirka wanaagsan ee uu ka dhex abuuray Turkiga iyo Soomaaliya.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply