Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo sheegtay inaysan ciidankeeda kala bixi doonin Somalia ayna ka Tirsan yihiin AMISOM

November 17 (Ceegaag) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda aysan sinnaba uga bixi doonin Somalia, xilli baarlamaanka Somalia uu soo saaray Qaraar ka dhan ah joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.
Wasiiradda Difaaca dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay dalka Somalia u joogaan si sharci ah, isla markaana ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.
“Kenya waxay qayb ka tahay AMISOM, waxayna ku shaqeysaa sharciga AMISOM iyo waliba aragtida hawlgalka ciidamada AMISOM, Soomaaliya iskama aysan soo gelin ee waxay ku joogaan howlgalka Midowga Afrika ee beesha caalamka ay taageerto, kaasoo ku addan sidii loo dajin lahaa xaaladda Soomaaliya,” ayay tiri wasiiradda.
Sidoo kale, waxay intaas ku dartay. “Waxaan is leeyahay xaaladaan oo kale waxaa jiri kara dhacdooyin siyaasiyiinta kasoo yeeraya, balse muhiimadu waa inaan xoogga saarno xasil-loonida Soomaaliya iyo inaan diiradda saarno dadaalka wanaagsan ee hadda aan ka wadno Somalia, waxaan ciidamadeenu ay ka mid ahaan doonaan AMISOM illaa hadafka loo tagay Somalia guul laga gaarayo,” ayey tiri Raychelle Omamo.
Hadalka wasiirada ayaa wuxuu imaanayaa xilli baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodayay maalmihii u dambeeyay darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka labada waddan u dhexeeya, iyadoo qaraar uu soo saaray baarlamaankana lagu dalbaday in dowladda Kenya ay sida ugu dhaqsiyo badan ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya.
Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyarra ayaa isaguna dhankiisa sheegay in ay ciidamadoodu sii joogi doonaan Somalia, illaa laga soo afjaro wuxuu ugu yeeray kooxaha arga-gaxiso ah oo dhibaato kawada gobolka Bariga Afrika.
Ugu dambeyn, ciidamada dalka Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa waxay ka howlgalaan Jubbooyinka, gaar ahaa gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaanna lagu eedeeyay inay ka wadaan gudaha Somalia ganacsiyo sharci-darro ah oo ay ka mid tahay dhoofinta dhuxusha

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply