Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wariye Axmed Xasan Cawke oo xalay goor danbe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa goor dhaweed meydkiisa la keenay magaalada Wajaale halkaas oo Aas qaran loogu Samaynayo.
Wajaale waxa ku sugan mas’uuliyiin tiro badan oo ay ku jiraan madaxda Xukuumadda Somaliland iyo weliba masuuliyiinta Dowlad deegaanka Itoobiya oo siday Meydka wariyaha.
Wariye Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybisa, wuxuuna ahaa 72-jir; isagoo Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972-kii illaa burburkiina wuxuu wariye ka ahaa warbaahintii Dowladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya.
Sannadkii 1996-kii ayuu ka mid noqday wariyaasha idaacda BBC-da laanta af Soomaaliga, kaddibna wuxuuu ku biiray VOA–da laanta Afka Soomaaliga. waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyey telefishinno gaar loo leeyahay sida; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland TV.
Madaxweynayaasha Somaliland Axmed Siilaanyo, Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsiyeeyay geerida Marxuun Cawke.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.
Ceegaag.com
Figradihiina