Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
November 18(Ceegaag)–Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan afrax ayaa waxaa maalintii Saddaxaad ku socota,Baaris la xiriirta Dilkii Maarxuum Mahdi Xuseen oo ahaa Madixii Hey’adda Mina Baarista Qarabamada Midoobey ee Gobolka Hiiraan.Guddigii uu magacaabay Wasiirka amniga gudaha Dowladda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed oo gaaray Magaalada Baladweyne,ayaa wareysatay Sagaal Nin oo lala xiriirinayo in ay dileen Marxuumkaasi,waxaana soo baxday in Dilkaasi uu amray Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,waxana xabsiga la dhigay Dhammaan Ciidanka la sheegay in ay dileen Marxuumka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa lagaliyey Xabsi Guri,waxaana lagu amray in uusan ka bixi karin magaalada Baladwene,iyadoo ay jiraan warar sheegayaa in loo soo qaadi doono Magaalada Muqdisho si Baarista loo sii wado.
Guud ahaan Magaalada Baladweyne ayaa xaaladdeyda dagan,waxaana lagu guuleystay furista Wadooyinkii u xirnaa Beesha uu ka dhashay Marxuum Mahdi Xuseen,waxaana dadaaladaasi sameyey Hogaanka dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Ceegaag.com
Figradihiina