Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisad ka taagan xadka kala qeybiya Ethiopia iyo Kenya kadib markii 3 askari oo Kenyan lagu diley

November 21 (Ceegaag)— Ciidamada Ethiopia ayaa ku toogtay saddex askari oo Kenyan ah xadka kala qeybiya labada dal gaar ahaan deegaanka Marsabit. Xiisada ayaa kacsan iyadoo ciidamada Ethiopia iyo ururka mucaaradka ku ah ee OLF ay badanaa deegaankaas ay ku dagaalami jireen, waxaana la sheegayaa in ciidamada ururka OLF ay marka ay xaalada ku adkaato inay u gudbi jireen xadka dalka Kenya.
Taliyaha Booliska deegaanka Marsabit Mark Wanjala ayaa sheegay in askarta la diley ay roondo ku jireen xilliga ay askarta Ethiopianka ay toogteen.
Inta aan la toogan askartan ayaa la sheegay in iskahorimaad uu ku dhex maray xadka Kenya iyo Ethiopia ciidamada OLF iyo ciidamada Itoobiya.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in caaqil lagu magacaabi jirey Guyo Harake lagu diley Khamiistii xadka iyadoo iska horimaadka OLF iyo ciidamada Ethiopia uu gudaha u galay illaa 8km.
Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen xadka dalka Kenya ayna gudaha u soo galeen dalka Kenya gaar ahaan Moyale iyo Sololo shan jeer intii u dhexeysay March iyo November.
Dowlada Kenya ayaa cabasho u gudbisay dowlada Ethiopia soo gelitaanka ay ciidamadooda gudaha u soo galeen dalka
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply