Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
November 21 (Ceegaag)— Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay qaraar ay soo gudbisay dowladda Faransiiska, kaasoo ku aadan dagaal ballaaran oo lala galo kooxda dowladda Islaamiga ama Daacish.
Qaraarkan ayaa waxaa uu ogolanayaan in dhamaan dalalka awooda leh inay ka qeyb galaan dagaal ka dhan ah Daacish, si kooxdaas oo ku xoogan Ciraaq iyo Suuriya loo bur buriyo meelaha ay gabaadka ka dhiganayaan.
Weeraradii Paris lagu qaaday todobaadkii hore ayaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ay si kulul u cambaareeyeen.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in tallaab kasta oo milateri ay tahay mid xaq ah, maadaama uu yahay mid is difaac ah, waxaana dowladdaha reer Yurub ugu baaqday inay hurdada ka kacaan.
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladaha dagaalka kula jira Daacish.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maalmo ka hor sheegay in Daacish ay la kulmi doonaan culeys ka baaxad weyn kii hore, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjari doono.
Ruushka iyo Faransiiska ayaa haatan si dhow ah isaga kaashanaya duqeymo joogto ah oo labadii maalmood ee u dambeysay ku qaadayeen magaalooyin ku yaall Suuriya oo ay ku xoogan yihiin Daacish.
Kooxda dowladda Islaamiga ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Paris oo lagu dilay 130 ruux, iyo diyaaradii Ruushka laga lahaa ee ku soo dhacday Gacanka Siinaay ee dalka Masar, taasoo soo ridisteeda loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo diyaarada la geliyay, waxaana diyaaradaas ku dhintay 224 ruux.
Ceegaag.com
Figradihiina