Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si deg deg ah loo keenay Muqdisho

November 22 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa si deg deg ah loo keenay magaalada Muqdisho, si wax looga weydiiyo kiiska dilkii Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey oo 14-kii bishan lagu dilay magaalada Beledweyn.
Dilka Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen Shiikhaal ayaa ka dhashay xiisad, iyadoo maleeshiyooyin hubeysan oo ku heyb ahaa ay xirteen wadooyinka magaalada, iyagoo ka careysnaa dilka Sarkaalka.
Wararka ayaa sheegaya in keenitaankiisa Muqdisho ay wax ka bedeshay xiisada ka jirtay magaalada Beledweyn, iyadoo ay dib u furmeen wadooyinkii ay xirteen maleeshiyooyinka hubeysan.
Guddoomiye C/fataax ayaa waxaa Muqdisho ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow maalmahan ula socday xiisada ka taagneyd Beledweyn, iyadoo shalay amray in la fasaxo C/fataax oo markii hore lagu hayay Xerada AMISOM, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Hiiraan wax laga weydiiyo arrinta ku saabsan dilka Sarkaalkii u shaqeynayay Mine Action, kaasoo ay dileen ilaaladiisa, waxaana la sheegay inuu jiray xurguf iyo hadalo kulul oo ay horay u isu dhaafsadeen ka hor inta aan la dilin marxuumka.
Dadaalo lagu qaboojinayo xiisada iyo sidii loo baajin lahaa gacan ka hadal ka dhasha dilka Sarkaalka ayaa waxaa ku howlanaa Odayaal dhaqameedyo uu hogaaminayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, waxaana ay ku guuleysteen in maleeshiyaadkii hubeysnaa ay ka qaadaan wadooyinkii ay xirteen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan xilka laga qaado, taasoo oo ah shuruudihii ay wateen maleeshiyaadkii ku heybta ahaa Sarkaalkii la dilay oo ahaa in xilka la qaado, kadibna la maxkamadeeyo, balse ma cada sida dowladda u wajihi doonto arrintaas.
Dhinaca kale Guddigii dowladda Federaalka u dirtay Beledweyn, si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska dilkaas ayaa iyana maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu wargeliyay in xaalada kiiskaas loo soo wareejiyo Muqdisho, si ugu yaraan xiisada ka taagneyd Beledweyn u yareyso.
Shalay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax uu gudaha magaalada Beledweyn ku soo laabtay, kadib markii habeen hore uu ku hoyday Xerada AMISOM, isla markaana loo heystay inuu halkaas maxbuus ku yahay, waxaana soo laabashadiisa ka dhashay xiisad iyo dibad baxyo looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee shacabka reer Beledweyn ayaa isha ku haya go’aanka kama dambeysta ee ka soo bixi doona dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha oo si shaqsi ah arrinta ku saabsan kiiska u soo fara geliyay.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply