Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarada Turkish Airlines ah oo loo weeciyay Canada, cabsi laga qabay inuu bam saarn

November 22 (Ceegaag)—Diyaarad nooceedu yahay Turkish Airlines oo ka soo duushay magaalada New York ayaa loo weeciyay dalka Canada kadib markii laga shakiyay in diyaaradda uu Bam saaran yahay.
Diyaaradan oo ku sii jeeday dalka Turkiga ayna saarnaayeen 256 ruux ayaa lagu dejiyay garoonka diyaaradaha ee Halifax bariga dalka Canada.
Booliska Canada ayaa la sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan diyaarada balse illaa iyo hadda ma bixin wax faahfaahin ah.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ay jirto cabsi ka timid kadib markii dhowaan diyaarad ka duushay magaalada Sharma al-Sheikh ee dalka Masar ay burburtay, Burburka diyaaradan ayaa waxaa sheegtay ururka IS iyadoo markii dambana la cadeeyay in bam lagu dhex qariyay qeybta xamuulka diyaarada,
Sidoo kale toddobaad kahor ayaa weerar lagu qaaday magaalada Paris waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shakiga diyaarada in bam uu saaran yahay ayaa waxaa uu soo baxay kadib markii diyaarada ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy.
Toddobaadkii hore ayay aheyd markii labo duulimaad oo diyaarada Air France ah looga shakiyay in bam uu saaran yahay, iyadoo si deg-deg ah loogu dejiyay diyaaradahaas Canada
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply