Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Iska hor imaad u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo saaka dib uga qarxay Gaalkacyo

November 28 (Ceegaag)— Dagaal u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka dib uga qarxay magaaladaas, kadib markii odayaashii ku howlanaa waan waantii maalmahan socotay ay ku dhawaaqeen inay bur bureen wada hadaladaas socday ee xalka looga gaarayay.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka uu ka qarxay Suuq lagu magacaabo Darxumo oo kala qeybiya labada maamul, waxaana goob joogayaal ay sheegayaan in dagaalka uu yimid markii ciidamada Puntland gudaha u soo galeen suuqaas, isla markaana ay doonayeen inay fariisimo ka sameystaan.
Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayaan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, isla markaana ku fido xaafadaha kale.
Sidoo kale Ganacsade ka mid ah kuwa Gaalkacyo ku sugan ayaa mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho u sheegay in rasaas ka socoto suuqa darxumo, isla markaana aanu dagaalka sidaa u xooganeyn, ayna jiraan dhaawacyada illaa afar ruux ah.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ayaa ka jira magaalada, waxaana koofurta iyo waqooyiga Gaalkacyo ee ay labada dhinac ka kala taliyaan lagu arkayay ciidamo saarnaa gaadiidka dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan haatan ka heleyno magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu yara qaboobay, isla markaana la maqlayo rasaas teel teel ah oo labada dhinac is weydaarsanayaan.
Ciidamada labada dhinac ayaa is hor-fadhiyay tan iyo maalintii axadii ee la soo dhaafay, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in lagu kala qaado ciidamada, iyadoo labada Maamul Puntland iyo Galmudug ay ciidamo fara badan ku soo daabulayeen magaalada.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada barakac aad u ballaaran oo ay sameynayeen qoysaska ku kala nool koofurta iyo waqooyiga magaalada, iyagoo ka cabsi qabay inay lagu dul dagaalamo.
Dagaalkan saaka dib uga qarxay Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay xalay wada hadalo kula yeesheen Garowe Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, iyagoo ka wada hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa, ciidamadana loo kala qaadi lahaa, labada maamulna ay nabada qaataan.
Gobalka mudug ayey inta badan dadka wax odorosa ku tilmaamaan gobalkii ay colaada soomaalida kabilaabatay.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply