Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Max’ed Cabdi Afey oo u daacad waramay madaxda Jamhuuriyada Dimoqraatiga Soomaaliya

Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa markii ugu horeysay waxa uu madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya u jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu ku dhaliilayo howlahooda xilli uu ku sugnaa heshiiskii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu horeyn sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay qaran jira oo leh hal calan, sidaasi darteedna madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada aanay muuqan hannaan ay dalka ku gaarsiin karaan doorasho noocii ay doonto ha ahaatee oo ka dhacda dalka sanadka 2016-ka.

“Inaad dadkiina Hoobiye la dhacdaan oo qaarkood aad dishaan, qaarkoodna barakicisaan, ma sidaas ayaad ku gaareysaan sanadka 2016-ka?” ayuu su’aalay madaxda Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland iyo waliba saraakiil kale.

Danjiraha IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in haddii mid ka mid ah madaxda Soomaalida la saari lahaa Maxkamadda caalamiga ah aanay dhici lahayn dembiyada ay madaxda Soomaalida u geysanayaan shacabkooda.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply