Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka wada tashiga qaran ee doorashooyinka 2016 oo maanta ka furmay Muqdisho

December 8 (Ceegaag)— Waxaa maanta ka furmay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka furmay shirka wada tashiga heer qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, waxaana shirkan ka soo qeyb galay Madaxda dowladda Federaalka, madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwa maamul goboleedyada, xildhibaano beesha caalamka iyo qeybaha bulshada.
Shirkan ayaa looga hadlo doona nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta sanadka 2016, iyadoo lagu soo bandhigi doono fikrad uruurintii laga sameeyay shirarkii ka dhacay gobolada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka madasha wada tashiga heer qaran, waxaana uu socon doonaa muddo labo maalmood, iyadoo looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya iyo marxalada looga gudbayo sanadka 2016.
Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada sida, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa inay khudbad ka jeediyaan, isla markaana ka hadlaan ra’yi uruurintii laga sameeyay deegaanadooda ee ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016.
Waxaa jira kala aragti duwanaan u dhaxeysa xubnaha Madasha wada tashiga qaran, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isku fikrad ka yihiin in doorashada 2016 ay noqoto qaab deegaan, halka Koofur Galbeed iyo Galmudug ay soo jeediyeen in lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Si kastaba ha ahaatee bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2016 ayaa la filayaa in la soo bandhigo qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo la isku raaco qodob oo ah afarta qodob ee miiska saaran.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply