Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 9 (Ceegaag)— Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhaliil u jeediyay qaabka uu u socdo howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in mar kasta oo uu hakada howl galkas ay dib mar kale Al-Shabaab u soo xoogeystaan.
Shariif Xasan ayaa hadalkan ka jeediyay shirkii shalay ka dhacay Muqdisho ee Madasha wada tashiga ee dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasoo diirada lagu saarayay waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in dhib badan lagu qabo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana uu xusay in wadadaas ay tahay mid aan la marin karin oo Al-Shabaab ku sugan yihiin.
“Anaga marar badan waxaa inoo muuqda dagaal ayaa lala galayaa Al-Shabaab xooga markii la jilcayo hadana waa laga istaagayaa, hadana waa soo xoogeysanayaan, dadka niyad xumo ayaa ka heyso, xataa qaarkood waxay is leeyihiin hadii Shabaabka ka soo horjeesan lahaayeen, dadkan waa laga hari doonaa hadana berri ayaga maamulka qabsan doona, sidaa darteed wixii la noqon doona lama oga, dadka way ka cabsanayaan, waxaa codsanayaa in la dhameystiro, maalin ay ka tabar daran yihiin ma jirto”ayuu yiri Shariif Xasan.
Howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa hakad ku yimid, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aanay guulo la taaban karo ka soo hoyn, marka laga reebo deegaano ay horay ula wareegeen oo ay mar kale dib u qabsadeen Al-Shabaab.
Ceegaag.com
Figradihiina