Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Haweenka Sacuudiga oo markii u horeysay ka qeyb galaya doorashooyinka dowladaha hoose
December 12 (Ceegaag)— Haweenka Sacuudiga ayaa markii u horeysay u dareeri doona doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaas, iyadoo tallaabadan ay tahay mid Boqortooyada ku dooneyso in haweenka ay qeyb ka noqdaan siyaasada.
Haweenka ayaa sidoo kale ah musharaxa, isla markaana codkooda dhiibanaya, inkastoo aan loo ogoleyn inay gawaarida kaxeeyaan.
Ku dhowaad 978 ayaa ah Haween musharaxiin ah, kuwaasoo is-diiwaan geliyay, halka 5,938 ay yihiin musharaxiin Rag ah.
Haweenka musharaxa ah ayaa daah-gadaashiis ama xijaab kala hadli doonta dadka, inta uu socdo ololaha doorashada, waxaana ka mamnuuc ah inay ragga la kulmaan.
Illaa 130-kun oo haween ah ayaa isu diiwaan geliyay inay codeeyaan, waxayna ka hooseysa tirada ragga is diiwaan geliyay ee codeynaya, kuwaasoo gaaraya 1.35 milyan.
Salma al-Rashed ayaa noqotay haweeneydii u horeysay isu diiwaan gelisay inay codeyso, waxaana ay sheegtay inay aad u faraxsan tahay, isla markaana ay ka qeyb qaadato doorashooyinka.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa muddo afartan sano ka jirin wax doorasho ah, tan iyo sanadkii 1965 illaa 2005, inkastoo Boqor Cabdalihii geeriyooday uu sameeyay sanadkii 2005 is bedel, haweenkana ka qeyb geliyay siyaasada.
Ceegaag.com
Figradihiina