Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 17 (Ceegaag)— Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in la dilay Taliyihii ciidanka birmadka ee Gobolka Saaxil ayaa maanta lagu dilay magaalada Berbera, iyadoo ninkii ka dambeeyay gacanta lagu dhigay.
Sida ay sheegayaan wararka Taliyahan ayaa lagu magacaabayay Xidigle Aadan Guuleed Dahir, waxaana dilkiisa ka dambeeyay askari kale oo xabsiga la dhigay.
Mas’uuliyiinta Berbera ayaa sheegaya in wali aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka, hase ahaatee ay wadaan baaritaan.
Shacabka Berbera ayaa arrintan aad u hadal haya, waxaana ay is weydiinayaan sababta ku kaliftay askariga inuu toogto Taliyaha.
Dhacdooyinkan ayaa muddooyinkan soo kordheysay Somaliland in askar ay disho Taliyeyaashooda, iyadoo dhowr bilood ka hor la dilay Taliyeyaal ciidan oo ka tirsan ciidamada Somaliland.
Ceegaag.com
Figradihiina