Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Arday Ka Qalin jabisay Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Bariga Afrika

December 18(Ceegaag)–Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Shiikh Cabdi Qaadir ee Jaamacada Bariga Africa,ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland , Maamulka Jaamacada Bariga Africa, Waalidiin,Aqoonyahano iyo Marti sharaf Kale.
Munaasabada a oo ahayd mid qaab ahaan ka duwanayd kuwii lagu qaban jiray jaamacada marka laga fiiriyo sida loosoo Agasimay,ayaa lagu sagootinaayay Dufcadii 2-aad ee ka qalinjabisay Kuliyadda Caafimaadka Jaamacada Bariga Afrika,kuwaasi oo tiro ahaan dhamaa 43 -arday.
Dr. Maxmed Bashiir Diiriye oo ku hadlay Magaca aradayada qalinjabisay ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda maamulka iyo Macalimiinta jaamacad E A U iyo waalidiinta,wuxuu sido kale sheegay in ardaydaan mudadii ay Waxbaranaayeen ay wax badan u qabteen bulshada si gaar ah dadka danyarta ah.
Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka Jaamacada Bariga Afrika Dr. Abshir Cali ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay iyo Eheladooda ,wuxu sido kaleu mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Bariga oo uu sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii ardaydan ay heerkan uso gaari lahaayeen ,wuxuuna dhanka kale amaanay waxyaabihii ay qabteen ardayda mudadii ay dhiganaayeen jaamacada.
Dr. Faarax Axmed Muuse iyo Drs-Xamdi Xasan Warsame oo mid Ahaa macalimiinii wax-soo-baray ardayda ayaa dhankooda ardayda kula dardaarmay in ay ugu adeegaan cilmigii labaray bulshadooda, sidoo kalana ay Midoobaan
Gudoomiye Ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Shiikh Maxmed Maxmuud Ciise oo gabagabdii soo xiray munaasabadayaa hambalyo kadib sheegay in jaamacada ay lagarabtaagantay ardayda ka qalin jabisay ay gaba istaagi doono oo ayasan uga haraynin halkaaa.
“aradydan hada ka qalin jabinaysa waxay jaamacada lagarab taagan tahay wax alaale wixii hiil iyo hooba , ma ahan in ay soosaarayso kadibna ka harayso , horay halkaan ayaa looga sheegay qaar kamid ah aradaydii ka soobaxay qaar kamid ah macalimiin ayaa looqaatay, waxaaana rajaynaayaa kuwaana kuwii ugu horee in macalimiin looqaadan doono”Ayuu yiri Shiikh Maxmed Maxmuud Ciise.
Ardayda ka qalinjabiyay Jaamacada Bariga Africa xarunteeda Boosaaso ayaa ka mid noqonaaya 3,360-Aqoonyahan oo kaqaliin jabisay Jaamacada mudadii ay furnayd , waxaana ay noqonaysaa Dufcadaan 2-aad ee ka qalin kuliyadeeda Caafimaadka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply