Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah faahin qaraxii wadada Maka Al-Mukarama iyo Guddoomiyaha Galgaduud oo isku day dil ka bad baaday

December 19 (Ceegaag)— Qarax xoogan ayaa abaarihii 2-dii duhurnimo ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen dhaawacyada lix ruux oo goobta laga qaaday qaraxa kadib.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadada dhinaceeda la dhigay, gaar ahaan nawaaxiga Shineemo Soomaali.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay goobo ganacsi oo ka ag dhow wadada Maka Al-mukarama, waxaana khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad wadada marayay oo gaari saarnaa.
Qaraxa ka hor ayaa wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus, kaasoo dabley hubeysan oo gaari saarnaa ku fureen gaari kale, waxaana mar dambe la ogaaday gaariga la rasaaseeyay uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, kaasoo ka bad baaday, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari rasaaseeyay gaariga uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanu qaraxa dhicin.
Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabadsugid ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray, waxaana ay ka wadaan baaritaan, iyadoo wadada ay xiran tahay.
Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wado mashquul badan oo ay gaadiidka isticmaalaan, waxaana ku yaala hotelo iyo xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply