Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 20 (Ceegaag) — Danjiraha Dowladda Britain u joogta Somalia, Harriet Mathews ayaa maanta ku wareejisay gaadiid dagaal wasaarada difaaca Soomaaliya, iyadoo gaadiidkan uu kala wareegay wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Xafladda wareejinta gadiidka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu ka sheegay Jen. Diini inuu ku faraxsan yahay taageeradaan gaadiid, isgoo intaa ku daray in taageero kasta oo ciidamada Soomaaliya la siiyo loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowliga ah.
“Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa xukuumadda Ingiriiska oo mar walba nala garab-taagan taageero. Gaadiidkan waxaan u isticmaali doonaa sidiii ammaanka loosoo soo celin lahaa, waana billow cusub oo aanu uga mahad-celinayno xukuumada Ingiriiska,” ayuu yiri wasiirka difaaca Somalia.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo isagana goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidamada ay timid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahad-celin u jeediyay danjiraha Britain ee Somalia.
Ugu dambeyn, Danjirraha UK ee Somalia, Harriet Mathews ayaa iyadana waxay sheegtay in taageerida xukuumada Ingiriisku uu siinayo Soomaaliya ay ka tahay daacad; ayna xoojin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada xoogga Somalia.
Ceegaag.com
Figradihiina