Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 23 (Ceegaag)—Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay digniin ka soo saaray diyaar garow loogu jiro dabaal degga sanadka cusub ee 2016-ka, iyadoo Hoteelada Muqdisho qaarkood ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu xusayo ciida Christmas-ka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda Federaalka Sheekh Maxamed Kheyrow ayaa isna soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in magaalada Muqdisho laga dhigo munaasabado loogu dabaaldegayo sanadka 2016-ka.
Qeybaha ciidamada ammaanka sida Booliska iyo Nabadusgidda ayaa laga dalbaday inay ka hortagaan xuska lagu maamuusayo sanadka cusub ee soo socda.
“Magaalada Muqdisho ilaa degmo iyo tuulo kasta oo dalka ka mid ah laguma qaban dabaaldegga la sheegayo in lagu xusayo sanadka cusub” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal heysta diinta Islaamka.
Waxaa kale oo uu tilmaamay Sheekh Nuur in dabaaldegyada sanadka cusub ay marmarsiinyo Al-Shabaab iyagoo qiil ka dhiganaya in dalka diintiisa meel looga dhacayo.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho laga soo saaro munaasabado loogu dabaal degayo sanadka cusub, iyadoo digniintaan lagu sheegay in ammaanka dalka ay khatar ku tahay
Ceegaag.com
.
Figradihiina