Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Mareykanka oo ugu baaqday Jabuuti inay sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xiray

December 24 (Ceegaag)— Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay rabshadihii labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Jabuuti, kadib markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), iyadoo shaqaaqadaas ay ku dhinteen dad ka badan toban ruux.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu muujiyay walaaca ku aadan rabshadihii dhowaan dhacay, iyadoo loogu yeeray dowladda Jabuuti inay sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xiray.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kirby ayaa ugu baaqay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xuquuqda hadalka iyo tan bani’aadanimada.
“Waxaan ugu yeereynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabdeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.
“Waxaan mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Marykanka.
Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeysay kooxo argagixiso inay ku lug lahaayee rabshadahaas, ayna hubeysnaayeen, isla markaana rasaas ku fureen ciidamada booliska.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply