Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 24 (Ceegaag)— Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa faah faahin ka bixisay qaabka loo marayo maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ugu baaqday shacabka labada gobol inay isu tanaasulaan, kana shaqeeyaan nabadgelyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in todobaadka soo socda la guda geli doono howlaha maamul u sameynta labada gobol, isagoo xusay in ugu horeyn shirka la furi doono.
“Shirka todobaadka soo socda ayaa la guda galayaa, waxaa laga bilaabayaa furitaanka, dadka labada gobol u dhashay, dadka Soomaaliyeed iyo madaxda ka qeyb galeysa, kadibna waxaa loo gudbayaa odayaasha dhaqanka, ergooyinka la soo xulayaa, kadibna Baarlamaanka”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo mari doono qaabkii Galmudug loo maray.
“Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo mari doonaa qaabkii loo maray Galmudug, sanduuq dhalo ayaa lagu dooran doonaa Madaxweynaha”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in maamul walba oo la dhiso ay dad ka soo horjeestaan, si la mid ah maamuladii hore loo soo dhisay, waxaana uu ugu baaqay shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe inay isu tanaasul muujiyaan..
Wasiirka ayaa sheegay in in labada gobol ay yihiin gobolada haray dhismaha maamulada federaalka, isagoo xusay in labada Gobol ay muhiim u yihiin dhameystirka federaaleynta sida uu hadalka u dhigay.
Si kastab ha ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo saddex maalmood ku sugnaa magaalada Beledweyn ayaa odayaasha reer Hiiraan ku qanciyay inay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta ee todobaadka soo socda ka furmaya Jowhar.
Ceegaag.com
Figradihiina