Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 27 (Ceegaag)–Golaha xukuumadda ee Puntland ayaa maanta isugu yimid shirkoodi todobaadlaha ahaa. War murtiyeed shirka laga soo saarey ayaa waxaa kamid ahaa qodobada Xukuumadda Puntland ay ka hadleen maamulka dhawaan la dhisay ee loogu magacdarey Gobolka Bakool.
Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shir guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka dooday xaaladda nabad gelyo ee dalka, waxaana ay warbixin guud ka dhegeysteen Wasiirka Amniga, kaas oo lagu sheegay war murtiyeedka in amnigu yahay mid la isku haleyn karo.
Madaxweynaha Puntland ayaa golihiis wasiirada u soo jeediyey in la gaarey xiligii isla xisaabtanka isla markaana Wasiir kasta la weydiin doono waxa uu ka qabtey Wasaraadiisa mudadii sanadka ahay, Shirka isla xisaabtanka ayaa bilaaban doona 2 Janaayo 2016.
Dhanka kale Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ka wada hadley xaaladda gobolka Bakool, halkaas oo maalmihii u danbeeyey uu shir uga socdey dadka degan saddex degmo oo kamid ah gobolka Bakool kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku gabood faley xaqii dadkaas ay lahaayeen sidey sheegeen.
Shirka waxaa ka soo baxay maamul loogu magacdarey Bakool Sare oo ay ku mideysan yihiin dadka deggan Bakool Sare, kaas oo leh Madaxweyne.
Puntland ayaa sheegtey in ay taageero u muujinayaan maamulka Bakool Sare oo ka koban degmooyinka Ceelberde, Yeed iyo Aato, iyo Madaxweynaha maamulkaas. Puntland ayaa sheegtey in wax lagu farxo uu yahay in shacabka halkaas deggan ay aayahooda ka tashadeen kadib markii codkooda la maqli waayey, qaddarina ka waayeen maamulka ay hadda jaarka yihiin sida war muriyeedka loo dhigay.
Ugu danbeyntii Warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynhu xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee Bosaso 8 Janaayo 2016, maalinta ku xigtana si toos ah u shaqo bilaabi doono.
Ceegaag.com
Figradihiina