Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka A. Gudaha oo kormeeray xarunta shirka lagu qabanayo iyo guryaha ergada la dejinayo

December 29(Ceegaag)— Wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo guryaha la dejinayo ergada labada gobol oo lagu wado in dhowaan soo gaaraan magaalada Jowhar.
Goobaha ay kormeerka ku tageen ayaa ku kala yaalay xaafadaha Horseed iyo Hantiwadaag oo la qorsheynayo in goobo laga diyaariyay in la dejiyo ergada, iyadoo intii ay kormeerka ku guda jireen uu socday qalabeynta guryaha.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka mahad celiyay imaanshaha wafdiga, waxaana uu xusay in shacabka Jowhar ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta wafuuda imaaneysa, isagoo tilmaamay diyaar garowga uu yahay mid habeen iyo maalin socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir jaraa’id qabtay, kadib markii kormeerka ku tageen xarunta shirka lagu qabanayo iyo guryaha la dejinayo ergada ayaa sheegay inay aad ula dhaceen sida wanaagsan ee diyaar garowga u socdo, isagoo xusay in Madaxweynaha ay u gudbin doonaan wixii ay arkeen.
“Maanta laga bilaabo magaalada Jowhar waa magaalo u furan shirka, maalinta aan ku dhawaaqeyno waa sheegi doonaa, waxaa fareynaa ciidamada qalabka sida in maanta wixii ka dambeeya ay qaadayaan mas’uuliyada ammaanka, howlaha maamul u sameynta waxaa la wareegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha”ayuu yiri Wasiir Odawaa
Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan magaalada Jowhar uu imaanayo Madaxweynaha Soomaaliya, si loogu dhawaaqo uu shirka furmayo
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku ammaanay maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe wax qabadka la taaban karo ee uu ku tallaabsaday, gaar ahaan Guddoomiye Cali Guudlaawe oo uu xusay in mar walba ammaan.
Ugu dambeyn Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo intii ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar waxaa aad loo adkeeyay ammaanka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply