Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad loogu dabaaldagayay Sanadguuradii 3aad ee Jaalliyadda DDSI oo Edmonton lagu qabtay. Daawo

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagey sanadguuradii 3aad ee Aasaaskii Jaalliyada DDSI ee gobolkan Alberta, ayaa lagu qabtay NOVA Hotel ee magaalada Edmonton.

Xafladan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Jaalliyada DDSI Gobolka Alberta Axmed Deeq, isagoo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani sheegayna in ay tahay maalin la weyn xusitaankeeda isaga oo ku dheeraaday taageerada balaadhan ee ay Jaalliyadda DDSI ee Alberta u hayso XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaa sidoo hadalo qiimo badan ka jeediyay Gudoomiyaha Jaalliyada Edmonton Khadar M. Sahal isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay hiigsiga iyo hirgalinta  jihooyinka iyo qorshayaasha horumarineed ee Jaalliyadda magaalada Edmonton iyo sii xoojinta xidhiidhka ay Jaalliyadu la leedahay xukuumada DDSI.

Xafladan ayaa waxaaa mahad celin iyo bogaadin looga soo jeediyay Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamud Cumar,  Gudoomiyaha golaha xisbiga ahna afhayeenka barlamaanka DDSI Mudane Mohamed Rashiid Isaaq iyadoo si weyn loogu amaaney horumarka iyo isbadalada sida xawliga ah uga socda ee ay gaadhsiiyeen dhamaan deegaanada DDSI.

Sidoo kale munaasabadan waxaa khadka Telephoneka kaga soo Qaybgalay Gudoomiyaha Jaalliyada DDSI ee North America isagoo ugu horayn mahadnaq balaadhan u jeediyay dadaalka wadaniyadeed ee ay qurbajoogta DDSI ee gobolka Alberta isugu xilqaameen iskudubaridka iyo Agaasimida Munaasabadan balaadhan ee lagu xusayay sanadguuradii 3aad ee aasaasida Jaalliyada DDSI ee gobolka Alberta.

Xafladdaas oo lagu soo bandhigay suugaanta nooceeda kala duwan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sarreeya.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply