Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo gaaray gobolka Jubadda Hoose.

janaayo 3 (Ceegaag)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya la geeyay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Fariisimo ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Dekedda Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa Tiradooda lagu sheegay inay yihiin 250 Askari, kuwaas oo hor dhac u ah Ilaa 1000 Kun Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM oo la geynayo Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadaan Itoobiyaanka ah ayaa badalaya Ciidamada Dowladda Siiraliyoon oo bishii Janaayo isaga baxayhowlgalkii ay ka wadeen Soomaaliya.

Dhanka kale kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay ka qeyb qaadan doonaan Dagaalka Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo gacan siinaya Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Kenya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply