Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
03janaayo ( Ceegaag)- Kumanaan ardayda Jaamacadda Muqdisho oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ufariistay imtixaankii koobaad ee simisterka koobaad ee sanad waxbarashadeedka 2015/2016.
Imtixaankan ayaa ka bilawday dhamaan xarumaha ay jaamacadu ku leedahay magaalada muqdisho iyadoo ardayda imtixaanka u fariisatay wajiyadooda laga dheehan karayay dadaal iyo diyaar garow ku aadan imtixaanka.
Kaaliyaha guddoomiye kuxigeenka arimaha akaadeemiyada ee jaamacada muqdisho ustaad Cali Daahir Maxamed oo lahadlayay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhamaan ardayda ufadhida imtixaanka iyo waalidka soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen jaamacada muqdisho isagoo tilmaamay in kaalinta jaamacada muqdisho ay leedahayna ee dhanka waxbarashada ay kasoo bixi doonto.
Imtixaankan waxuu soconayaa ilaa 12/janaayo/2016, subax iyo galab.
Kuliyadaha imtixaanka galaya waa 9 kuliyadood oo ka kooban 25 taqasus.
Jaamacadda muqdisho oo kamid ah jaamacaddaha ugu faca wayn soomaaliya ayaa waxay kamid tahay jaamacadaha ugu horeeya qaarada Afrika waxayna xubno muhiim katahay ururo caalami ah iyadoo ardaydii jaamacadda wax kabartay hada ay ka shaqeeyaan dhamaan hay’adaha kala duwan ee dalka qaarkoodna ay daraasadaha sare kawadaan jaamacadaha caalamka.
Figradihiina