Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jen. Saney “Deegaanka War-Maxan Ciidanka xoogga dalka ayaa ku sugan”

Janaayo 4 (Ceegaag)— Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen, Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan deegaanka Warmaxan oo u dhaxeeya Wanlaweyn iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weeraray saldhig Ciidamada Milateriga ku lahaayeen, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado qaatay oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Jen, Saney ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku hayaan deegaankaas, ayna iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaadeen, isagoo beeniyay in Al-Shabaab la wareegtay deegaanka Warmaxan.

“Saakay abaarihii 5:30 ayay Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka xoogga dalka ay ku sugnaayeen, nasiib wanaag ciidanka xoogga dalka waa ay iska difaaceen, hadana waxaa gacanta ku haya ciidanka xoogga, waana been wararka sheegaya in Warmaxan ay Shabaabku heystaan, xilligan aniga ayaa ku sugan”ayuu yiri Jen, Saney
Waxaa uu sheegay in dagaalka ay uga dhinteen saddex askari, halka Shabaabkana kaga dileen tiro intaa ka badan sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ka badan 10-askari ay ka dileen ciidamada, saanad milateri ka qabsadeen, ayna la wareegeen deegaanka.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid haatan degan, iyadoo ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo ka socda kuwa dowladda Soomaaliya, si ay u xoojiyaan saldhiga Ciidamada ku leeyihiin deegaanka Warmaxan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply