Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 10- ( Ceegaag)- Kulan aad u xiisa badan oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa Daryeelka iyo Horumarinta Afka Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka G/Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadii kulankaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa dhinaca G/Banaadir waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab iyo Masuuliyiin kale, halka dhanka Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga ay ka socdeen Ruug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Madaxda Akadeemiyadaasi, Gudoomiyaha Somalipen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Cabdi-naasir Yuusuf Macalin iyo xubno kale oo matalayay qeybaha kala duwan ee Akadeemiyadaasi.
Munaasabadii kulankaasi oo ku bilaabatay jawi aad u degan ayaa Gudoomiyaha G/Banaadir waxaa halkaaasi lagu gudoonsiisay Dhambaal Qoraal ah oo isugu jiray Hambalyo ku saabsan hawlaha uu Gudoomiyuhu durbaba ka qabatay Magaalada Muqdisho iyo Tallooyin ku aadan sida lagu hormarin karo Afka Soomaaliga.
Dhambaalka loo gudbiyay Md Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga (Aga) Prof Maxamed Daahir Afrax, waxaana Qoraalkaasi Duqa Magaalada Muqdisho loogu codsaday inuu bixiyo Amar Sharciyeed qasab ka dhigaya in Magacyada Tabeelayaasha Magaalada Muqdisho lagu qoro Af-Soomaali iyo in Degmooyinka G/Banaadir laga bilaabo Barnaamij Waxbarasho oo bulshada lagu barayo Qorista iyo Akhriska Afka Soomaaliga.
Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si diiran u soo dhaweynayo Tallooyinka ay u soo jeediyeen Maamulka Akadeemiyada, wuxuuna balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii loo meel marin lahaa Tallooyinkaasi, isagoo dhanka kale ku cel-celiyay inuu wax walba ka hormarin doono Daryeelka, Horumarinta, Illaalinta iyo Hal-abuurka Af Soomaaliga.
Ruug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ku hadlayay magaca Akadeemiyada ayaa ku nuux- nuuxsaday in Akadeemiyadu ay ku bogaadinayso Gudoomiyaha G/Banaadir siduu uga soo dhalaalay hawlahii loo ikmaday , wuxuuna hoosta ka xariiqay in Magaalada Muqdisho ay sharaf u heshay in laga furo Xaruntii Akadeemiyada, isagoo dhanka kale ka codsaday Duqa Magaalada in uu ka qeyb qaato Xuska Afka Soomaaliga ee 21-ka Janaayo iyo Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo ku astaysan 21-ka Febraayo.
Dhawaan ayay Akadeemiyadu Shahaadooyin gudoonsiisay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud halka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed la gudoonsiiyay Dhambaal Qoraal ah oo Akadeemiyadu ay ku taageerayso go’aankii Taliyaha ee ku saabsanaa in Askari walba uu barto Afka Soomaaliga.
Ceegaag.com
Figradihiina