Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 10, (Ceegaag) —Ayadoo la filayo in maalinta berito ah uu magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmo shirka madasha wadatashiga qaranka ee doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka, ayaa waxaa maanta Kismaayo gaaray wufuud kala duwan oo ka socotay beesha caalamka, dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.
Wufuudda Kismaayo gaaray waxaa kala hogaaminay, Raysul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweeynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhenon, wakiilo ka socday Midowga Yurub iyo IGAD.
Garoonka Kismaayo ayaa maanta ahaa mid aad u mashquul badan, ayadoo ay si isdaba joog ah usoo dagayeen diyaarado sida wufuud kala duwan oo ka qeybgali doonta shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka.
Madaxdan oo qaarkood garoonka diyaaradaha warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay u yimaadeen si ay uga qeybqaataan shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo la filayo in uu berito ka furmo Kismaayo.
Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa ku kala aragti duwan nidaamka lagu saleeynayo doorashooyinka la filayo in dhammaandka sanadka ay ka dhacaan Soomaaliya.
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa taageersan in doorashooyinka lagu saleeyo hab degmo, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in ay haboontahay in doroashada lagu saleeyo hab beeleedkii ay Soomaalidu wax ku qeybsan jirtay burburkii kadib ee 4.5, waxaana la filayaa in shirka Kismaayo lagu gaaro go’aan kama danbeysa ah
Ceegaag.com
Figradihiina